Musharaxiintii hore ee doorashada J/land oo culays siyaasadeed dareemaya (Warbixin)

Dooorashada Jubbaland ayaa gashay wajigii ugu danbeeyay kadib markii xalay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland iyo Odoyashada Dhaqanka ay si wadajir ah ugu dhawaaqeen liiska xubnaha xildhibaanada cusub ee barlamaanka Jubbaland oo ka koobanaan doono 7 xubnood. Talaabadan ayaa waxaa  ay culays siyaasadeed oo hor leh saartay musharaxiintii hore ee diiday in ay isdiiwaan galiyaan.

Liiska xalay la soo saaray ayaa waxa aqriyay gudoomiye ku xigeenka Gudiga Doorashada Jubbaland taas oo meesha ka saartay khilaaf ay rajaynaayeen musharaxiintii hore  in uu kala qaybiyo gudiga doorashada. Sida MOL loo xaqiijiyay saakay beesha Caalaamka iyo AMISOM ayaa ku qanacsan liiska xalay lagu dhawaaqay.

Musharaxiintii hore oo ka biyo diiday liiska xalay la soo saaray ayaa ayagana liis been abuura soo saaray kaas oo ay ku  qoranan yihiin  dad intooda badan dal ka maqan. Liiskaan ayaa la doonayaa in looga abuuro degaanka Jubbaland qalqal siyaasadeed.

Musharaxiintii hore ayaa waxa haysta cadaadis siyaasadeed kaas oo ah in ay ka tanaasulaan doorashada ama ay abuuraan carqalad siyaasadeed iyo amni oo ku qasbi doonta ciidanka amaanka ee Jubbaland in ay tilaabo ka qaadaan musharaxiintaas.

Dhanka kale musharaxiintaan ayaa waxa culays ugaga yimid dhanka Villa Soomaaliya oo dhaqaale badan ku bixisay doorashadooda, culayskaas ayaa uu ku qasbayaa kooxdaaan in ay abuuraan jawi qalqal galiya Amniga Jubbaland si Farmaajo u qanco.

Sidii MOL shalay idinkuugu soo tabisay Xasan Kheyre ayaa dhankiisa wadahadal gaar ah oo isaga kaligii u ah la furaty  Axmad Madoobe , talabadaas ayaa gadaal ka toogatay da’daalka musharaxiinta Villa Soomaaliya oo rumaysnaa in Villa Soomaaliya oo wada socoto ay si buuxda u taageeri doonaan musharaxiinta aan isdiiwaan galin.

Su’aalaha la isla dhexmarayo saakay magaalada Kismaanyo ayaa ah ilaa intee ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland u dulqaadan doontaa Musharaxiinta aan isdiiwan galin oo ku fashilmay qorshihii ay doonayeen ay kula wareegaan xukunka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here