Musharaxiinta Warega 2-aad Isugu So Haray Iyo Xukuumada Ka Naxsan Qaabka Ay Wax Usocdaan

Reading Time: < 1 minute

Afar Musharax ayaa isugu soo haray Wareega labaad ee Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya oo ka socota Xarunta Golaha Shacabka.

C/wali Muudey ayaa ku dhawaaqay in afarta Musharax ee ugu codadka badan ay isugu soo hareen wareega labaad ee Golaha Shacabka Somaliya.

Musharaxinta codadka ugu badan kala helay ayaa waxa ay kala yihiin:

  1. Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo haysta 83
  2. Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow oo helay 69
  3. Xildhibaan C/casiis Xasan Lafta Gareen oo helay 54
  4. Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 19.

Xubnaha Golaha Shacabka Somaliya ayaa hadda qaadanaya waqti yar oo qado ah, kadibna waxaa la isugu soo noqon doonaa wareega labaad ee Doorashada Golaha Shacabka Somaliya.

Waxana sido kale qeybta xigta dhici kareysa in Xildhibanada Golaha Shacbaka ay qorsheynayan in ay burburiyan Qorshaha Xukuumada ay ku dooneyso Afduubka Golha Shacabka.