Musharaxiinta oo looga digay inay hub ku dhex qataan magaalada Dhusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Taliska Booliiska DG Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka mamnuucay in rasaas lagu dhexe rido si gaar ah waxa uu fariintaan ugu diray musharixiinta Magaaladaas u tagtay in ay u tartamaan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Booliiska ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin Askarigii & qofkii xabbad ku dhex riday Caasimadda DG Galmudug ee Dhuusamareeb maadaama ay ka socoto Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Saami ahaanta ugu soo aaday Dowlad-Goboleedkaas.

Hay’adaha ammaanka Magaalada Dhuusamareeb xarunta Galmudug waxaa la faray in ay gacan adag ku qabtaan Askarigii iyo qofkii jebiya amarkaan si loo geeyo maxkamad looguna ciqaabo sida hadalka loo dhigay.

Dhanka Kale, Taliska Booliiska ayaa sheegay in la xiray Ciidamo isku rasaaseeyay Magaalada Dhuusamareeb kaddib markii ay isaga hanjabeen telefoonnadooda, baarista la xiriirta arrintaasina ay ku howlan yihiin laamaha ammaanka.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan Siyaasiyiin kala aragti duwan balse kulankooda kusoo beegmay kuraasta ay ku haminayaan oo Doorashadooda isku waqti ah, Booliiska Galmudug ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo xakameynta ilaalada hubeysan ee is dhex socota.