Musharaxiinta Madaxweynimo Galmudug ayaa soo saaray baaq culus

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa xalay kulan ku yeeshay qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulanka oo ay yeesheen Musharaxiinta kala ah C/raxmaan Odawaa, Kamaal Guutaale, Cabdullahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Axmed (Cabdi Dheere), ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda Galmudug, Arrimaha Doorashada iyo khilaafka siyaasadeed ee halkaas ka taagan.

Intaas kadib Musharaxiinta ayaa baaq Cusub kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee haatan qorshaheedu uu ka socdo Magaalada Dhuusamareeb.

Musharaxiinta ayaa dalbaday in muddo laba todobaad ah la joojiyo howlaha doorasho eek a socda Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo si loo dhameeyo khilaafyada siyaasadeed ee Galmudug ka jira.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa waxaa ay sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in la abuuro Jawi Doorasho oo suurtagelinaya qabsoomida Doorasho dhex-dhexaad ah.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed kasoo baxay Musharaxiinta Galmudug.