Musharaxiinta isbedel doonka KG oo walaac ka muujiyay amniga Baydhabo (War Saxaafadeed)

Reading Time: 2 minutes

Musharrixiinta isbedel doonka madaxabanaan ee Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS)
waxay aad uga walaacsan yihiin iyadoo lagu jiro xilli xasaasi ah oo loona
diyaargaroobayo doorashada madaxweynaha KGS in magaalada Baydhaba amnigeedi
wanaagsanaa faraha laga sii bixinayo. Waxaa xaaladahaa amni darrada ah abuuraya
shaqsiyaad ka tirsan laamaha amniga ee Dowlad Goboleedka KGS, falalkaasi waxay
saameyn weyn ku yeelan karaan ama sababi karaan in amnigii faraha ka baxo iyo
weliba inaanay doorasho xor iyo xalaal ah ka dhicin magaalada Baydhabo oo ah
caasimada kumeel gaarka ee KGS, sidaa darteed waxaan soo saarnay warmurtiyeedkan
hoos ku xusan:

1. Musharaxiinta madax banaan ee isbedel doonka KGS waxey canbaareynayaan
dhacdadii maanta ka dhacdey magaalada Baydhabo, ka dib markii ciidamada amniga
KGS rasaas ku fureen dad shacab ah oo banaan bax nabad gelyo ah ka dhigayey
magaalada Baydhabo, taasoo sababtay dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba
galabsan,
2. Waxaan murugada la qeybsaneynaa ehellada dadkii dhacdadaas ku dhaawacmey,
ilaahayna uga baryeeynaa intii dhaawacantayna in uu caafimaad deg deg ah siiyo.
3. Musharrixiinta waxay ugu baaqayaan Maamulka KGS in ay sharciga horkeenaan
ciddii ka danbaysay falkaa arxan darrada ah.
4. Musharrixiinta waxay xusuusinayaan laamaha amaanka KGS in dastuurku u oggol
yahay in muwaadiniinta Soomaliyeed ay mudaaharaad nabad ah samayn karaan
kuna cabbiri karaan afkaartooda si dimoqraadi ah, sida muwaadiniinta kale ee dalka
qeybihiisa kale ay u bannaanbaxaan iyagoo aan cabburin kala kulmin laamaha
aminga meelaha ay joogaan.

5. Waxay laamaha amniga ugu baaqayaan in ay dhowraan xuquuqda shacabka rayidka
ah, xurriyatul qoolka (free speech) iyo madax banaanida aragtida iyo ra’ayiga
dadweynaha.
6. Musharrixiinta Isbedel doonka madaxabanaan ee KGS waxay ugu baaqayaan
laamaha amniga inay joojiyaan caburinta shacabka, kana fogaadaan wax allaale
wixii keeni kara isku dhac bulsho.
7. Waxay halkaan baaq ugu dirayaan dhammaan bulshooyinka ku nool deegaanada
KGS in ay is dejiyaan, nidaamka ilaaliyaan, kuna dadaalaan nabadda iyo kala
dambeynta islamarkaasna wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan laamaha amniga ee
Dowlad Goboleedka KGS.

Musharrixiinta:

1. Dr. Ibrahim Moalim Nurow
2. Sheikh Mukhtar Roobow Ali (Abu Mansuur)
3. Adan Mohamed Nur (Saransoor)

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!