Qaar ka mida musharaxiinta doorashada Puntland  oo ka soo horjeestay gudiga uu magacabay MW  Gaas 

Reading Time: 3 minutes
Waxaa Magaaladda Garowe shir deg deg ku yeeshay qaar ka mid ah musharixiinta u tagan xilka Madaxweynaha dowladda Puntland doorashada 2019ka. Shirkaas marka uu dhamaaday ayaa waxa ay soo sareen war-murtiyeed ay kaga soo horjeedaan gudiga uu magacabay Madaxweyne Cabdiwali  Gaas.
Warmurtiyeedkii ka soo baxay sidaan ayuu u qornaa:

Markaan aragnay liiska xubnaha “guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka”, waxaa noo muuqata in madax weynaha waqtigiisii gabaabsiga yahay uu ku tallaabsanaayo arrimo bur-bur ku ah dawladnimada iyo wada jirka reer Puntland taas oo ah in uu magaacaabay wuxuu ku tilmaamay “guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka” haddaba sidaannu horaba uga digney guddigaasi wuxuu u muuqda in uu yahay mid u shaqaynaya oo keliya madax weynaha dhowrka wiig uga hartay xilkii 5 sano ka hor loo doortay.

  1. Waa markii ugu horreysey oo taariikhda Puntland madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ay soo kala saaraan labo liis oo iska soo horjeeda sababna ay u tahay in madaxweynuhu taladii dalka keligii marooqsaday.
  2. Waa markii ugu horreysey oo reer Puntland arkaan madaxweyne soo magacaabay guddi uusan kala tashan Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka taasoo khilaafsan dastuurka Puntland.
  3. Wuxuu magacaabay guddi aan dhex-dhexaad loo arag oo isugu jira:
  4. Maamulkiisa khaaska ah sida: guddoomiye ku xigeen gobol, agaasime iyo guud.
  5. Qaraabo iyo xidid
  6. La taliyayaashiisa gaarka ah
  7. Dad ay xoolo wadaag yihiin “Business partners”
  8. Kuwo si shakhsi ahaan ugu adeega
  9. Waa guddi uusan ka tala gelin murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo oo foodda ina ku soo haya.

waxaan caddaynaynaa in aan si cad uga soo horjeedno guddiga uu magacaabay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas maxaa yeelay wuxuu khilaafsan yahay dhammaan shurrudihii iyo wada tashigii ka dhexayn lahaa 3 hoggaamiye ee dawladda iyo sidoo kale dawladda iyo murashaxiinta.

Sidaa darted waxaan taageersanahay liiska iyo go’aammada uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland waayo waxay ku yimaadeen wada tashi dhexmaray

  • Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland, Cabdi-Xakiim Xaaji Cabdullahi Cumar (Camey)
  • Guddoomiyaha baarlamaanku Axmad Cali Xaashi
  • Musharrixiinta u tartamaaya xilka madaxweyne-nimo ee dawladda Puntland
  • Waa xubno dhex-dhexaad ah oo buuxiyey shuruudihii ay musharrixiintu ku soo saareen war saxaafadeedkii soo baxay Dec. 1, 2019
  1. Waa in shuruudaha gudiga iyo awoodahooda la isku waafaqo oo Musharaxiinta, Issimada, Dowladda iyo Bulshada rayidka ahi isku raacaan.
  2. In laga wada tashado magacaabista guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo kala Saaridda Xildhibaanada, si looga hortago is qabqabsi iyo ku tagrifal masiirka umadda.
  3. In xubnaha guddigu noqdaan kuwo isu dheelitiran Kana kooban gobolada Puntland
  4. In guddiga aysan ka mid noqon karin shaqalaha dowladda, la taliyayaasha iyo kuwa ka shaqeeya xaafiisyada madaxda sare ee dowladda si loo ilaaliyo madax banaanidda guddiga.
  5. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon karin qof ku cad ama u ololeeya musharax gaar ah.

Waxaa noo muuqata in tallaabooyinka uu qaadayo madaxweyne Cabdiweli ay keeni karaan burbur, khilaaf siyaasadeed iyo khal-khal amni taasoo uu madaxweynuhu keligiis masuul ka yahay. uun kula gal-galanaayo cid aan shaqo ku lahayn.

  1. Dr. Aadan Maxamad Ciise (Gaadaale)
  2. Eng. Cabdirizaaq Cabdullahi Jaamac (Jannagale)
  3. General Khaliif Ciise Mudan
  4. Eng. Maxamad Cabdullahi Xuseen (Shortaaye)
  5. Cali Xaaji warsame
  6. Maxamad Siciid (Morgan)
  7. C/samad Maxamad (Gallan)
  8. General Axmad Jaamac (Shaale)
  9. Mudane Mohamud Cabdi Maxamad
  10. General Siciid Maxamad Xirsi (Siciid dheere)
  11. Xuseen Axmad Xasan Fiqi
  12. Saciid Cali
  13. Dr. Maxamad Salaad (Qoryooley)
  14. Dr. Saadiq Eenow
  15. Xaaji Maxamad Yaasiin
  16. C/weli C/maan Geyre