Musharaxiinta Doorashada DG Koonfur Galbeed oo dacwad ka gudbiyay Maamulka Sharif Xassan

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo maalmihii u danbeeysay ay socotay soo bandhiga musharaxiinta u tartamaya jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxa sidoo kale bilaawday eedayn ay soo jeediyeen dhamaan musharaxiinta ka soo horjeedo MW Sharif Xassan. Waxaa kulan balaaran ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo. Kulankaas ayaa musharaxiintu ku sheegan in doorashadda ay ka hartay in ka yar 50 maalin haadana ayan jirin wax qaban-qaabo ah oo loogu diyaar garoobayo Doorashada ku aadan in ay dhaco bartamaha bisha Nofeenbar. Waxa ay mushraxiintu ku eedeeyn MW Sharif Xassan in uu donayo in uu dib u dhigo doorashada ama uu ku shubto isaga. Waxaana ay musharaxiintu ugu baaqeen beesha Caalamka in ay cadaadis saaran Maamulka Sharif Xassan si doorashada dhacdo xiliigii logo talagalay.