Musharaxiin Maanta Lagu Dooranaayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug

Reading Time: 2 minutes

Waxaa Maanta lagu wada Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad goboleedka Galmudug in ay ka dhacdo doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kursigaan oo uu horay kaga geriyooday Allaha u Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin,aya la filayaa in ay ku tartamaan laba musharax,kuwaas oo shalay lagu soo dhaweeyey Magalada Dhuusamareeb.

Musharixiinta Maanta doorashada ka dhaceysa Dhuusamareeb ku tartami doona ayaa kala ah Cabdulahi Faarax wehliye iyo Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye).

Kursigaan ayaa ah kii ugu dambeeyey ee la doorto,iyada oo 4 Kursi ee ka banaanaa Golaha Shacabka lagu kala qabtay Magaalooyinka Muqdisho,Jowhar,Kismaayo,iyada oo kan ugu dambeeyo Maanta lagu qabanayo Dhuusamareeb.