Shir ay caawa ku yeesheen waxgaradka, siyaasiyiinta iyo oday cuqaasha beesha Digil & Mirifle oo caawa ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu go’aamiyay in aanay ka qeyb geli doonin doorashada lagu ballansan yahay in ay dhacdo maalinta Arbacada ah ee taariikhda tahay 19 Desember.
Beelaha qaadacay doorashada ayaa waxaa ay kala yihiin.
- Leysaan
- Boqol hore
- Eelay
- Hadame
- Luwaay
- Hubeer
- Helledi
- Jiidde
- Shanta Caleemod
- Gare
- Biyomaal
- Garwaale
Waxayna sheegeen dhammaan in aay go’aansadey in aaney ka qeyb gali doonin Doorashada Koonfur Galbeed ilaa iyo inta laga joojinaayo Faragelinta Dowladda dhaxe ku hayso maamulka Koofur Galbeed.
Waxaa sidoo kale ay odayaasha ku baaqeen in laga saaro magaalada ciidamada lagu soo daadiyay, haddii laga dhaga adeegana ay iska caabin doonaan. “Waxaan diyaar u nahay inta qof naga nool yahay in aanan yeeleyn in xoog iyo awood dowladeed naloo adeegsado” Ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha goobta ka hadlay.