Musharaxa Villa Somalia ee Puntland iyo shaqsiga wakiilka uga ah Farmaajo (Xog)

Reading Time: < 1 minute

Madaxtooyada JFS aya isku dayeeysa in ay door ku lahaato isla markaana ay musharax ay caleemo saaratay uu ku guuleysto tartanka hoggaanka Puntland oo la filaayo in uu qabsoomo 8 Janaayo ee sanadka foodda nagu soo hayo ee 2019.

Musharaxa Madaxtooyada JFS aya ah Cali Ciise Cabdi oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante waxaana MW. Farmaajo ka go’an in uu musharaxiisa ku guuleysto xilka hoggaanka Puntland.

Musharax Cali Ciise iyo Cabdi Jamac Dool oo fadhiya garoonka Adan Cadde xilli ay sugayeen diyaarad u qaadi lahayd Garoowe.

Dowladda Soomaaliya aya siisay adduun dhan 8 Milyan oo dollar musharaxa Cali Ciise Cabdi, waxaana lacagta la dhigay xawaaladda AMAL ee Muqdisho, waxaana koontada ay ku jirto ku qoran nin magaciisa lagu sheegay Cabdi Jama Dool oo uu dhalay MW. Farmaajo Abtigiisa isku beelna yihiin Cali Ciise Cabdi sida ay xogta ku heshay MOL.

Maamulka Puntland aya mamnuucay in lacag caddaan ah la soo geliyo Puntland, balse Madaxtooyada JFS aya hore u geysay lacagaha loogu talo galay doorashada Musharax Cali Ciise Cabdi.

MW. Farmaajo aya sidoo kale waxaa uu heshiis hoose dhex maray hoggaamiyihii hore ee Puntland haddana ah sanater ka tirsan aqalka sare ee JFS Cabdiraxman Faroole iyo Xildhibaan Cali Xoosh waxaana a kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii loo dooran laha musharaxa Villa Soomaaliya, waxaana heshiis lagula galay in wiilka Faroole lagu bedeli doono Wasiirka Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.