Caawa waxa si lama filaan ah loogu yeeray gudiga cusub ee Doorashada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Uyeeritaanka gudaga ayaa ka danbeeysay ka dib markii gudiga cod u qaadeen hindise ka yimid Villa Soomaaliya oo ahayd in wax laga badalo anshaxa doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Qaabka doorasha u dhaceyso waxa lagu daray labo qodob; 1) in Mukhtaar Roobow waraaq fasaxa ka soo qaato maxkamadda oo cadeyneysa in uusan dambe horay u galin iyo 2) beesha digil in ayan doorashada ka qayb gali karin.
Gudiga ayaa cod u qaaday labada qodab ee ka timid Xafiiska Madaxweyne Farmaajo. 14 oo ka mida Gudiga Doorashada ayaa ka soo horjeestay hindisaha Farmaajo halka uu hal qof oo kali ah u codeeyay. Iyada oo ay cabsi la soo daristay Musharaxa Farmaajo oo ay isku heybta yihiin ayaa waxa Mudane Cabdicasiis Xassan Lafta Gareen isku dayay in uu gudiga lacag u qeybiyo si ay dib uga noqdaan go’aankii maanta.
Ka dib markii laga warhelay qorshaha Musharaxa Madaxweyne Farmaajo aya waxa mudo 15 daqiiqo gudaheeda isugu tagay Madxtooyadda DGKG dhamaan xildhibaanada Dowlad Goboleedk Koonfur Galbeed iyo qaar ka mida musharaxiinta oo uu ku jiro Mukhtaar Roobow. Waxa halkaas ka dhashay qalalaase abuuray jawi keeni karay dagaal gacamaha la isula tago.
Mudo ka dib ayaa waxa Gudiga ay iclaamiyeen in ay berito qabanayaan Shir Jaraa’id kaas oo ku sheegi doonaan in aan waxba laga badalin isla markaana qaabka doorashadu ahaan doono qaabkii Gudiga hore u go’aamiyeen.
Waxaa muuqata in Madaxweyen Faramaajo uu wali ka quusan in shacabka reer Koonfur Galbeed uu u magacaabo Madaxweyne isaga ka amar qaato.