Musharax Xidig oo ay haysato labo daran mid dooro!

Reading Time: < 1 minute

Musharax Cabdirashiid Xidig ayaa waxa la soo daristay xaalad uu ku qasban yahay in uu go’aan ka gaaro in uu berito diiwaan galiyo musharaxnimadiisa isla markaana uu ka tanaasulo kursiga xubinimadda baaralaamka Fedaraalka iyo in uu ka tanaasulo musharaxnimada madaxweynaha Jubbaland oo uu xajisto xildhibaanimadiisa.

Qodob ka mida sharuudaha lagu xiray musharixiinta doorshada Jubbaland ayaa ah in ay ka tanaasulaan jagooyinka ay ka hayaan dowlada fadaraalka.

Maalinta berito ah  ayaa waxaa ku eg afarta maalin ee dheeraadka ahayd ee loogu daray in musharaxiintu is diiwaan galiyaan. Su’aashu waxa ay tahay Musharax xidig ma waxa uu noqon doonaa mid ku dhaqmo Murtida oronaysa “Miro guntaada ku jiro kuwo geed saaran looma daadiyo” .. mise waa uu qamaarayaa oo waa ka tanaasulayaa xubannimada baarlaamanka oo waa isdiiwaan galinayaa.

Dhanka kale dowladii fedaraalka ee uu ku tiirsanaa maanta ayaa laga mamnuucay in ay tagaan Jubbaland taasi oo iyadana culays dheeraad ah saari doonto Cabdirahiid Xidig.