Musharax sheegay in Doorashada Puntland Faragelin xoogan lagu sameeynaayo

Reading Time: < 1 minute

Cabdi samad Macalin galan oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee Maamulka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in doorashada Maamulkaasi fara-gelin xoogan oo aan qarsooneeyn lagu sameeynaayo.

Waxaa uu sheegay in loo diiday dhawaan uu taageerayaashiisa kula hadlo Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka puntland waxaa uu arinkaasi ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali gaas.

Musharax Cabdi samad Macalin galan waxaa uu xusay in ay jiraan faragelin lagu sameeynaayo doorashada taasi oo uu sheegay in ay dhici karto in ay sababto qalalaase