Musharax Muqtaar Rooboow oo Maanta Baydhabo Ku Wajahan iyo Hardan Siyaasaded oo K/Galbeed ka Bilaawday!

Reading Time: < 1 minute

Sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonan karo oo Maamulka Koonfur Galbd  ka tirsan Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ku-xigeenkii Hogaamiyihii Al-shabaab Hadana ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbd ayaa saakay ka dhoofaya Garoonka Diyaardaha Magaaladda Muqdisho isagoona ku wajahan Magaaladdda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.

Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo wafdiga Muqtaar Roobow ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo,waxaana suuragal ah in uu halkaasi ku qabsado xaflado uu ku shaacinaayo Musharaxnimadiisa

Magaaladda Baydhabo waxaa kusii qulqulaya Musharaxiin u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Muqdisho Online sida ay xogta ku heleeyso Ciidamo Fara-badan ayaa la geyay Magaalada Kuwaasi oo amniga sugaayo,shalay Madaxweyne shariif xassan ayaa baydhabo dib ugu laabtay Musharaxiin kalana waa ay kusii sugnaayeen

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!