Musharax Maxmed C/laahi Oomaar oo ka tanaasulay tartanka Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Labadii  asbuuc ee la soo dhaafay waxaa ka jirtay magalaada Kismaanyo  xasarado siyaasadeed ee la xiriirta  doorashada Jubbaland ka dib markii gudiga madaxa banaan ee doorashada Jubbaland ay soo saareen sharuudaha looga baahan yahay musharaxiinta u tartamaysa jagada madaxweynaha Jubbaland ayaa mushariix badan waxa ku baryay waaga.

Musharixiinta aan u tartami karin jagada Madaxwenyaha Jubbaland ayaa waxa ka mid ah Maxmed C/laahi Salaad Oomaar ka dib markii uu ku dhacay sharuud ka mida sharuudaha lagu xiray mushariixnta taas oo ah in Musharax qaba nag ajnabi ah uusan ka qayb gali karin  doorashada.

Oomaar ayaa waxa uu qabaa gabar u dhalatay dalka Trinidad and Tobago ee ka mida wadamada ku yaalo jasiiradaha la yiraahdo Kariibiyaanka. Maxamed Oomaar oo hadda ah Wasiirka Duulista Hawada ee dowlada Fedaraalka ayaa beesha uu ka dhashay ee Cawlyahan waxa ay kula talisay in uu ka tanaasulo tartanka oo uu xajisto kursiga uu ku fadhiyo.

Dhanka kale Faarax Macalin ayaa kula taliyay Wasiir Oomaar in uu iskaba furo gabadha ajnabiga ah oo qabo keenaana warqadii uu ku furay si uu uga qaybgalo doorashada. Si kastaaba ha ahaatee maanta ayaa wasiir Oomaar waxa uu go’aansaday in uu ka tanaasulo doorashada Jubbaland isaga oo fakarkiisa la wadaagay beesha uu ka dhashay.

Waxaana la filayaa saacadaha ama maalmaha soo socda in uu ka ku dhawaaqi doono g’aanka  tanaasulida. Omaar ayaa waxaa gadaal ka riixayay  Madaxweyne Farmaajo oo u horay u siiyay dhaqaale uu ku tartamo.