Musharax Jabril Ibrahim Cabdulle iyo Danjire Alberto Vecchi oo ka wada hadlay arrimaha Doorashooyinka

Reading Time: < 1 minute

Jabril Ibrahim Cabdulle oo ah Musharax Madaxweyne ayaa maanta kulan diirada lagu saaray nidaanka Doorashooyinka iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku haya nidaamka Doorashooyinka la yeeshay Danjiraha Dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi

Jabril oo soo dhigay qoraal kooban bartiisa Baraha Bulshada ayaa sheegay “Waxaan maanta kulan muhiim ah wada yeelanay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi oo aan xafiiska ku wada kulanay”

Jabril ayaa sheegay in isaga Danjiraha aay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira Doorashooyinka iyo sida aay lagama maarmaanka u tahay  qabsoomidda doorasho raali laga wada yahay oo si xor iyo xalaal ah loo qabto. Jabril Ibarahim Cabdulle ayaa uga Mahad celiyay kaalinta Dowladda Taliyaaniga ay qaadaneyso xoojinta Dowladnimada Soomaaliya.

“Danjire Vecchi ayaan ka codsaday in uu si toos ah uu qeyb weyn ka qaato isfahamsiinta Dowladda Federalka ah, Dowladda Gobaleedyadda iyo siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee daneynaya hogaanka dalka.