Xalay fiidkii aya waxa Maxamed Khalif Jabiye qadka teleefanka kula hadlay Madaxwyne Farmaajo iyo Fahad Yasiin kuwaas oo u balan qaaday teegeero buuxada. Isla xalayto MW Farmaajo waxa uu la hadlay beesha Dhulmahante oo uu ku armay in ay xooga isugu geeyaan Musharaxa Jabiye. Sidoo kale waxaa MW Farmaajo la hadlay beesha Warsangali oo uu ugu abaal sheegatay in uu jago wayn ka siiyay Fedaraalka sidaas darteedna ay taageeraan musharaxa Jabiye.
Dhanka kale waxa uu Farmaajo qadka teelafanka kula so hadlay qaar ka mida xildhibaanada la doortay isaga oo ku adkeeyay in ay tageeraan Musharax Jabiye. Fahad Yasin iyo Cabdishakur Cali Mire ayaa dhankooda iyaguna waxa ay la hadleen xubinihii ka tirsanaa Baarlamaanka Fedaraalka ee halkaas ku sugnaa kuwaas oo loo sheegay in ay tagaan aqalka uu ka socdo ololaha Musharax Jabiye. 12:30 habeenimo ayaa waxaa aqalka Jabiye mar qura isugu tagay xildhibaano iyo kooxo laga soo amray Villa Soomaaliya kuwaas oo lagu amray in ay kiciyaan jawiga magaalada Garowe una muujiyaan shacabka in musharax Jabiye yahay musharaxa dowlada Fedaraalka isla markaana uu heysto lacag fara badan.
Iyada oo ay ka jirto naceeyb xun oo loo qabo Dowladda Fedaraalka iyo hogaankeeda, gaar haan Farmaajo iyo Kheyre ayaa waxa mar qura ka soo go’ay Musharax Jabiye xildhibaano farabadan oo isaga horay u taageersanaa.
Saakay oo uu musharaxu la hadlay qaar ka mida taageerayaashiisa ayuu u sheegay in jab xoog leh ka soo gaaray taageerida dowlada Fedaraalka. Waxa uu yiri” Waxaa fursadeydii dilay taageerada beenta ahayd ee ay Dowlada Fedaraalka i siisay”. waxa uu intaas ku daray “waa beenalayaal aan ilaah aqoonin anigana i lugooyay, olaloheygiina dhabarka ka toogtay”
Xildhibaan ka mida xildhibaanada codeeyay ayaa u sheegay MOL in Jabiye ku qaldamay teegeerada dowlada Fedaraalka, waxa uu yiri “anaga oo ah xildhibaanada codeynayay mid baanu kuligeen ku mideeysnayn taas oo ahayd in aan marna cod la siinin musharax ku xiran Villa Soomaliya”. Waxa uu intaas ku daray “Dadka reer Puntland waxa ay u arkaan Farmaajo iyo Kheyre dad dagaal kula jira Puntland marnaba ma usura gasheen in Musharax uu Farmaajo wato Madaxweyne ka noqdo Puntland”.