Musharax Gen Tuuryare oo war kasoo saaray Xaalada Dhuusa-mareeb & Ciidanka Itoobiya ee la geeyay

Reading Time: < 1 minute

Dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa si aad ah loo hadal haayay Ciidamo la geeyay Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Gal-mudug kuwaasi oo ka socda Dalka Itoobiya,waxaana laga muujiyay shaki aad u wayn.

Musharax Madaxweyne Gal-mudug Janaraal Cabdiraxmaan Maxamed”Tuuryare” oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook-ga ayaa waxaa uu uga hadlay xaalada Dhuusa-mareeb iyo ciidamada la geeyay waxaana uu xusay in ay muhiim tahay hubbinta wararka sheegaya in ciidan aan Amisom aheeyn la geeyay halkaasi.

Sidoo kale waxaa uu Dowlada Federaalka  ah ee Soomaaliya ugu baaqay in ay warbixin cad ka bixiso ciidankaasi hadii aysan aheeyn kuwa la tuhmaayo ee Itoobiya oo ee la leeyahay kama tirsana AMIOSOM si ay meesha uga baxdo shakiga laga muujinaayo.

“Hadii aysan ka mid ahay AMISOM oo si qaradjeex ah iyo in wax lagu jajuubo ay ku tageen Gal-mudug, DF waxaa laga doonayaa in ay ka jawaabto oo warbixin cad ay kasoo saarto si shakiga iyo walaaca laga qabo arimahaas meesha uga baxo.”sidaas waxaa yiri Musharax Gen Tuuryare

Dhanka kale waxaa uu kula dardaar Dowlada Soomaaliya in aysan ku dhex lifaaqin siyaasadaha isdiidan ee xamar ka jira Doorashada Gal-mudug,waxaana uu yiri”Dhinacayada kala duwan oo ay khuseyso doorashada Gal-mudug ayna ugu Horeyso DF waxaan ugu baaqaya in siyaasadaha xamar isku diidan aysan dhexgeynin Gal-mudug caqabadna aysan ku noqon habsami usucodka doorashada iyo midnimada bulshada reer Gal-mudug, Taas oo aan ka digeyno ayna ka dhalan karto kala fogaasho siyaasadeed iyo mid bulsho oo Gal-mudug & muqdishaba Saameyn xun ku yeelata hakisana hurumarka socda”

Shaki aad u wayn ayaa laga muujinayaa Ciidamo ka socda Dalka Itoobiya oo la geeyay Magaalada Dhuusa-mareeb kuwaasi oo ilaa hadda aysan caddeeyn DFS waxa ay yihiin,waxaana musharaxiintu ay ka baqanayaan in loo adeegsado ama lagu jajuubo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!