Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay, ayna ku jiraan lataliyayaasha gaarka ah ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa noo xaqiijiyay in Deni uu u yahay musharax u tagaan jagadda Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya.
Saciid Dani oo in mudo ah ka fakarayay in uu qayb ka noqdo tartanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu danbeeyntii mar laga joogo dhowr asbuuc ka hor go’aan ku qaatay in uu noqdo musharax u taagan jagada madaxweynaha Soomaaliya. Dhanka kale waxa iyadana dhex-dhexaadin laga dhex-sameeyay isaga iyo kooxihii horay u soo dhistay isaga ee loo yaqaano “Aaran Jaan” oo markii hore ka soo horjeestay fakarka ah in Saciid Deni isku sharxo jagada madaxweynaha Soomaaliya.
Sida warar lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen, Saciid Deni ayaa fakarkaan waxa ku dhiiri galisay dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu aaminsan in dalka Soomaaliya ay nabad ku soo celin karaan oo kali ah beesha Daarood, gaar ahaan beesha Majeerteen. Imaaraadka Carabta ayaa horay lacago badan ugu bixiyay musharaxiin hore oo ka soo jeeda beeshaas, waxaana ka mida ah; Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdiwali Cali Gaas. Dowlada Imaaraadka ayaa ku soo fashilantay taageeradaas ay horay u siiyeen musharaxiin ka soo jeeda beesha Majeerteen, gaar ahaan Beesha Maxamud Saleemaan.
Dhanka kale Saciid Deni ayaa waxa uu dhaqaale hor dhac ah ku bixiyay in warbaahinta caalamka iyo kuwa gudaha ay asbuucyada soo socdaa ka qoraan qoraalo lagu amaanayo shaqadiisa iyo in uu yahay qofka kali ah ee ugu haboon ee lagu badali karo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo waqti-xileedkiisii ay ka hartay in ka yar 40 cesho.
Sida MOL loo xaqiijiyay, Waxaa maqaalkii ugu horreeyay lagu qoray Bogga Wardheer News, kaasoo cinwaan looga dhigay “Yaa ka adkaan kara MW Farmaajo” waxaana maqaalka qoray mid ka mid ah cilmi baarayaasha Heritage Institute, Heritage ayaa shirka Garoowe waxaa u maal geliyay dowladda Imaaraadka, waana shax aay wada ogyihiin Saciid Deni, Cabdikariin Jaamac & Cabdirashiid Khaliif oo maamula machadka Heritage Institute, waxaana Cabdiraxman Ceynte oo ka mid ah aasaasayaasha Heritage lagu qanciyay in isaga laga dhigi doono Ra’isul Wasaare marka uu Deni ku guuleysto jagada Madaxweynaha, Cabdikarin Jaamac & Cabdirashiid Khaliif ayaa ka mid ahaa kooxdii Alla Sheekh ee qiyaanay Madaxweynihii Hore Shariif Sheekh Axmed, meel cidla ciirsi ah uga tagay markay magaciisa ku sameeyeen malaayiin Doollar.
Waxaa uu sidoo kale ku guuleystay in MW Axmad Maxamed Islaan (Axmad Madoobe) uu ku taageero Saciid Deni in uu jagada Madaxweynaha dalka uu isku soo sharxo, isaga oo balan qaaday in xildhibanada laga soo xuli doono Jubbaland uu dhamaan gacanta u galin-doono Saciid Deni. “Anagiina waa ay na lugooyeen, iyanaga wax iskuma hayaan oo aqolkoodii baa ina Farmaajo kaga adkaaday, ilee goormaan sugi karnaa” ayuu yir Axmad Madoobe
Hadaba Saciid Deni oo taaba-galinayo qorshaha uu isku soo sharxayo jagada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu asbuuc-yadii la soo dhaafay ku guuleystay in uu Baarlamaanka Puntland ka saarto rag uu ku tuhmayo in ay ka hor-imaanayaan qorshahiisa gaarka ee uu ku doonayo in uu u tartamo jagada madaxweynaha isaga oo aan iska casilin Hogaanka Puntland ee u haatan hayo.
Si uu hadaba ugu muujiyo caalamka, dowladaha taageero isaga iyo shacabka Soomaaliyeed in uu yahay qof isku-hayn-kara umadda Soomaaliyeed, awoodna u leh in uu hal-meel isugu keeno mucaraadka dalka ayuu shirka Garowe u istcimaalay fursad uu ku muujinayo awoodiisa siyaasadeed isagoo garab ka helaayo shaqsiyaadka maamula Heritage oo aay isku beel kasoo jeedaan.
Musharaxiinta ku midowday Muqdisho (Midowga Musharaxiinta) oo intooda badan horay ugu soo fashilmay siyaasadda dalka, aqoona ayan uga soo kordhin mas’uuliyadihii kala-duwanaa oo ay horay dalka uga soo qabteen ayaa iyaga oo idha la’ waxaa la keensaday magalaadda Garowe si la isugu sawiro, loona tuso caalamka in Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni uu yahay shaqsiga kaliya ee Soomaali meel isugu keeni kara.
Tagitaanka ay Midowga Musharaxiinta ku tageen magalaada Garowe, iyaga oo aan kala harin, waxa ay si cad ugu sheegeen shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in Saciid Cabdullahi Deni yahay musharaxa uga haboon ee hogaaminta dalka Soomaaliya xiligaan kala guur ah.
Saciid Deni waxa uu si farsameysan ugu guuleystay in uu xaqiijiyo in Hogaanka Midowga Musharaxiinta oo intooda badan ka soo jeedo beesha Hawiye uu u tuso shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin kuwo aan lagu aamini karin hogaanka dalka xiligaan kala guur ah, si dadbana ay u taageersan-yihiin musharaxnimada Saciid Cabdullahi Deni.
Midowga Musharaxiinta waxa horay u kufsaday Madaxweyne Farmaajo oo uga adkaaday Magaaladii ay ka soo jeedeen, hadana waxa masraxa siyaasadda si farsameysan kaga saaray Madaxweyne Saciid Cadullahi Deni!