Wariyaha MOL ee Baydhabo soo warinaya in musharax Adan Saronsoor ay caawa fiidki isku gadaameen gurigiisa ciidan Itoobiyaan ah, laguna wargeliyay in aanu guriga kasoo bixi karin. Adan Saronsoor aya la geliyay xabsi guri sida ay sheegeen qaar ka mid ah taageerayashiisa oo la hadlayay wariyaha MOL ee Baydhabo.
Sida aay sheegeen ilo wareedyo kusugan hoyga musharax Adan Saransoor waxaa caawa fiidkii u yiimid xildhibaano ka tirsan BJFS oo ay galbinayaan ciidan Itoobiyaan ah, xildhibaanadaas oo uu horkacayay Xil. Cabdishakur Cali Mire, kana codsaday Adan Saransoor in uu ka tanaasulo musharaxnimada boos weyn bedelkeeda laga siin doono dowladda, sida uu sheegay mid ka ah habmaamuuska musharax Adan Saransoor.
Musharax Adan Saransoor aya ka biyo diiday codsiga uga yimid Villa Somalia, wuxuuna u sheegay in aanu sinaba uga tanaasuleyn musharaxnimadiisa. Mar all markii ay ka tageen Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire iyo xildhibaanadii la socday, ayaa waxaa hoyga Adan Saransoor isku gadaamay ciidan Itoobiyaan ah kuwaaso amar ku siiyay in aanu guriga kasoo bixi karin.
Ciidamo gaaraya 1800 oo si toos ah uga amar qaata Madaxtooyada Villa Somalia ayaa caawa la wareegay dhammaan magaalada Baydhabo oo berri lagu wado in ay ka dhacdo doorasho.
Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.