Mushaarkii iyo raashinka agoonta CXDS oo la musuqmaasuqay

Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Waalidiin cabasho ah ayaa Isniinta maanta ah ku hor-banaanbaxay Villa Soomaaliya. Hooyinka iyo aabeyaasha waxay isugu jiraan kuwa wiilal iyo raggii qabay ku waayey dagaalka ururka Al-Shabaab.

Isu-soo-baxa ayay ku qabteen Unburtooriyadda Ceelgaabta, degmada Xamar-jajab ee Muqdisho, halkaas oo kamid ah goobaha laga galo hoyga looga armiyo dalka isla markaana uu ku yaalo xafiiska madaxweynaha.

Qaar kamid ah hooyooyinka iyo aabeyaasha dibad-baxa kasoo qeybgalay oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee caasimadda ayaa sheegay in ay sanad iyo bilooyin aysan qaadan gunooyinkii ay hore u heli jireen.

Iyagoo hadalkooda sii wata, waxay daboolka ka qaadeen in la musuqmaasuqay qoondadii ay lahaayeen agoonta ciidamadda, wallow aysan soo bandhigin caddeymo xoojinata sheegashooda.

“Xukuumadda Nabad iyo Nolol intii ay timid waxaa nagalay musuqmaasuq xoog badan oo xanuun badan. Raashiinka, 100-ka Doolar iyo agabkii oo ay qaadan jireen mid wax dhalay iyo midaan wax dhalin hadda ma leh. 100-kii Doolar waxaa la yiri qofkii aan cunug dhalin lama siinayo, hooyadii cunugeeda uu wax u bartana sidoo kale. Marka waxaan codsaneynaa in aan helno,” ayay tiri hooyo kamid ah dadka banaanbaxa abaabulay.

Qaarkood ayaa tilmaamay in ay hayaan caruur agoon ah oo ka badan shan oo isugu jira qaar ay dhaleen iyo kuwa ay ka geeriyoodeen wiilashooda.

Madaxda waddanka ayay cod dheer ugu tartarsiiyeen in ay soo farageliyaan arrintooda isla markaana ay dib u helaan xuquuqda ay leeyihiin.

Dhanka kale, taliska ciidamadda xoogga dalka ayaanan ka faa’iideysan fursad ay MOL siiyey oo ku saabsan in uu ka jawaabo eedeynta sheegaysa in la musuqay qoondada agoonta ciidanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay dib-u-habeyn ku sameysay hanaanka mushahar bixinta ciidamadda isla markaana ay liiska ka saartay dad ay shaacisay in ay sifo sharci darro ah gunooyin ku qaadan jireen.