Mushaar la’aan la soo daristay qaar kamida Ciidanka iyo Saraakiisha NISA

Reading Time: 2 minutes

Sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoonan karo  shaqaalihii ugu badnaa ee ka tirsan  hay’adda NISA kuwaas oo isugu jira  saraakiil, iyo ciidan  ayaa la soo daristay mushaar la.aan. Qaar badan oo kamida shaqaalha NISA ayaa  dhowr bilood uu ka maqan yahay mushaarka.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan  Ha’adda NISA  oo diiday in aan magacooda shaacino sababa amni awgeed ayaa xaqijiyay in 4 kamid 17 rux u qabilsan in ay ilaaliyaan Fahad Yasin aysan musharkooda oo dhameystiran helin mudo aad u dheer, halku u hal rux gebi ahaanba helin wax mushaar bishii Febraayo ee sanadkan aan ku jirno, isagoo oo sii xaqijiyay in 11 kamid 17ka ilaalada u gaarka uu leeyahay Fahad Yasin aysan helin wax mushar biisha Marso, waxuuna si xaqijiyay in 6 kale aysan helin musharkooda oo dhameystiran.

Sida ka muuqato  liiska ku lifaaqan qormaadaan waxa ka muuqata  ciidamada gaarka u qabilsan in ay ilaaliyan Fahad Yasin oo gaarayo 32 ruux, iyagoo qaar kamid ay yihiin rag hore uga tirsanaa Amniyatka Al Shabaab. Hoosna waad ka arki karta liiska oo dhameystiran. Hayada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA oo kamid ah hayada ugu muhiimsan dowlada Somalia ayaa ah mid mar hore la burbuuriyay kadib markii u Fahad Yasin la wareegay talada xarunta Habar Khadijo, isagoo hayada ka buxiyay Al Shabaab, cagtana mariyaay saraakishii horay u joogtay shaqada.

Halkaan ka aqriso liiska shaqaalaha aan qaadanin mushaarka in mudo ah:

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!