Muse Bixi oo looga digay inuu isku dayo inuu xilal magacaabo! Waqti waa ka dhamaaday?

Reading Time: < 1 minute

Xoghayaha Amniga Xisbiga  WADDANI Ibraahin Ducaale Boos ayaa su’aal galiyay sharciyada uu Muuse Biixi magacaabis iyo xil kaqaadis uu ku samayn karo.

“Hal xaaraani nirig xalaala ma dhasho!

Xilalkan Muuse maanta magacaabay  sharciyaddee buu ku magacaabay ama xil ka qaadis  ugu samayn karaa  iyada oo isaga laftiisa sharciyaddii uu ku fadhiyay ka dhammaatay?, sharciyad  qaran ahaan la isla ogol yahay oo uu ku fadhiya ma jirto maaddaama ay dhammaatay mudadii  qarankan loo dhaariyey.

Waxaan qabaa inay isku xuquuq yihiin isaga iyo  kuwa uu  leeyahay xilkaan idinka qaaday.” Xoghayaha Amniga Xisbiga  WADDANI Ibraahin Ducaale Boos. Hadalkan xoghayaha ayaa daba socday magacaabis iyo xil kaqaadis uu manta sameeyay Ex. Madaxwayne Muuse Biixi