Muse Bixi oo ciidan boolis ah dul dhigay xaafada New Hargeysa, Maxaa soo kordhay

Reading Time: < 1 minute
Xukuumada Muuse Biixi ayaa ciidan boolis ah ku daabulaya xaafada New Hargeysa oo ay isku urursanayaan dadweyne u diyaar garoobaya soo dhawaynta hogaanka iyo Musharaxa xisbiga Waddani oo caasimada ku soo wajahan.
Wararka ayaa sheegaya in taliye Dabagale oo fulinaya amarada guracan ee Muuse Biixi uu ilaa hada ciidan boolis ah ku daabulayo goobaha iyo dabaal Dega iyo diyaar garawga kaga jjraan taageerayaasha xisbiga Waddani.
Ujeedada ugu weyn ee ay xukuumadu u adeegsanayso ciidanka booliska ah ayey wararku sheegayaan inay ku khalkhal gelinayso taageeradii laxaadka leh ee Xisbiga Waddani ku qaabilayo hogaanka iyo Musharaxa ka soo laabanaya safarkoodii gobolada bariga.