Muse Bixi ayaa diiday inuu wax kulan ah la yeesho xisbiyada mucaaradka

Reading Time: < 1 minute
Muuse Biixi ayaa gabi ahaanba diiday inuu wax kulan ah la yeesho xisbiyada mucaaridka ah si xal looga gaadho khilaafka doorashooyinka.
Warar laga soo xigtay madaxtooyada Somaliland ayaa xaqiijisay in Muse Bixi uu ka horyimid soo jeedintii beesha caalamka ee ahayd inuu wada hadal bilaabma 13 November la yeesho xisbiyada mucaaridka ah.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Muuse Biixi fashiliyey dedaalo ay wadeen wasiir Maxamed Kaahin oo taageero ka helaya ambassador Cawil. Madaxweyne Muse Bixi ayey wararku sheegayaan inuu aflagaado xun iyo cay u gaystay wasiirkiisa arimaha gudaha Maxamed Kaahin ka dib markii uu wasiirku ula tagay qorshe uu ku wajahi karo wada hadalka mucaaridka oo ay ka muuqatay in muxaafidku sameeyo dabacsanaan uu kaga soo dhaqaaqo mawqifka ay taagan yihiin.
Wasiir Maxamed Kaahin iyo siyaasi Cawil ayaana hungo kala kulmay Muuse Biixi oo gabi ahaanba diiday inuu wax wada hadal ah la yeesho xisbiyada mucaaridka ah. Xisbiyada mucaaridka ah ayaa dhankooda qorshaynaya talaabadii ay qaadi lahaayeen 13 November.