Muse Biixi oo qaabilay, una hambalyeeyay Guddoonka cusub ee GW Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey Guddoonka cusub ee Maanta loo doortay hoggaaminta Golaha Wakiilada Somaliland. Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somaliland ayaa loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo helay 42 cod.

Tartanka guddoomiyaha Golaha ayaa looga guuleystay Yasiin Faratoon oo ka tirsanaa xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo helay 39 cod. Xildhibaan Siciid Mire Faarax Giirre ayaa loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka koowaad halka Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo loo doortay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Somaliland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!