Muse Biixi oo ku dhawaaqay inay furan yihiin Ururada siyaasadda ee Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ku dhawaaqay in ay furan yihiin Ururada siyaasadda ee Somaliland.

Wasiir Koore oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay isagoo ku hadlaya afka madaxweynaha in xeerka ururada siyaasadda Somaliland uu dhaqan gal-yahay, wixii hadda ka dambeeyana la furan karo ururada siyaasadda.

Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Somaliland uu xeerkan u gudbiyey Gollaha Wakiillada si ay isu waafajiyaan doorashooyinka soo aadan ee madaxtooyada, guurtida iyo ururada.

Waa markii saddexaad ee la furo ururada siyaasadda Somaliland, markii ugu horreysay ayaa la furay sanadkii 2000, markii labaadna waxaa la furay 2011.