Mursal oo magacaabay guddi soo baara xasuuqii Gaalkacyo, balse aanan marnaba ka hadlin kii Baydhabo (Documenti)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Koofur Galbeed layaab ku noqotay warqad ka soo baxday xafiiska Gud Maxamed Mursal warqaddaas oo uu ku sheegay in uu magacaabay guddo xaqiiqo raadin oo soo baara falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu laayay dad masaakiin ah magaalada Gaalkacyo.

Arrinta layaabka noqotay ayaa ah in Gud. Maxamed Mursal aanu ka hadlin iskaba daa in uu magacaabo guddi xaqiiqo raadis ah 16 ka mid ah shacabka Baydhabo oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku xasuuqeen Baydhabo beshii Desember ee sanadkii hore 2018.

Waxaa sidoo kale dad shacab 11 qof ah ay ciidamada dowladda ku xasuuqeen tuulada Bariire bartamihii sanadkii 2018, iyadoo sidoo kale ciidamada dowladda ay ku dileen guriga Cabdrixman Cabdishakuur 6 ka mid ah ciidanka XDS oo weliba lagu aasay xabaal wadareed.

Waxaa iswediin mudan: Xasuuqa ciidamada dowladda Farmaajo muxuu kaga duwan yahay xasuuqa ka dhacay magaalada Gaalkacyo?

Halka hoose ka akhriso dokumentiga Gud. Mursal ku magacaabay guddiga