Mursal oo looga Adkaaday Diidistiisa Doodda Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Reading Time: 3 minutes

Gudoomiye Mursal oo isagu ay beryahan ka muuqtay inuu u liicayo waxa ay rabaan Villada ayaa saaka lagu soo buuxiyey inuu joojiyo dooda Matalaadda Gobolak Banaadir. Kulanka ayaa hakad galay kadib markii guddoomiye Mursal  uu isku dayey inuu is-hortaago mooshinka matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Xildhibaano gaaraya 130 ayaa shalay mooshin ay keeneen ku dalbaday in gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 kursi, waxaana qorshuhu ahaa in maanta cod loo qaado mooshinkaas, si kasta oo ay xeerkaas qeyli uga dabatimid sharcinimadiisa oo la soo gacma gacmeeyey.

Mooshinka iyo U Doodidda Gobolka Banadira Matalaadiisa.

Arrintaan ma aha dood wanaag u ah gobolka Banadir loogu raadinayo ee waa arrin ay wataan Xildhibaanno dhowr oo Hawiye u badan si ay kuraastaas wax uga helaan. Doodani wax dan ahi gobolka iyo dadka u dhashay uguma jirto. Tusaale haddii 7 Xubnood la siiyo beelaha qaar sida H/Gedir, Murusade iwm ma jirto wax ay ka helayaan kuraastaas, hasa yeeshee haddii la badiyo waxaa u muuqatay inay xubno heli karaan. Sidaas dated ayey xildhibaanada Hawiye ugu dhegan yihiin in tirada la badiyo ee maaha dan gobolka iyo dadka u dhasahy loogu raadinayo. Sida kaliya ee ay dadkaan xaqooda ku soo dhacsa karaan waa inay gobolka uu isaga is doortaa sida gobollada kale oo uu iska diidaa Guddoomiye iyo Duq magaalo oo loo soo magacaabo.

Marka xaaladdaan waxaa isku dan ah xildhibaanada Hawiye iyo NN balsa siyaabo kala duwan arrinta u raba. Haddaba xildhibaanada Hawiye oo aan maranaba u midoobin badbaadinta qaranka ayaa calooshooda u middobay maanta, waana sababta keentay inay tiro 130 ah soo helaan, balsa aysan jirin 10 kamid kooxdaan oo ka keeni karta mooshin marka madaxda dalka ay si bareer ah distuurka u jebiyaan, masiirka dalkana meel ugu dhacaan.

Dhinaca  kale, Waxaa soo baxday in arrintaas uu diidan yahay Mursal, islamarkaana uu isku dayey inuu ajendaha ka saaro, taasi oo xildhibaano badan ay ka horyimaadeen ayaga oo ballan-qaaday inaan kulanka maanta looga hadli karin arrimo kale. Bal haddii ay awooddaan leeyihiin maxay qarankan intaas hagardaamo ah oo ay Farmajo iyo koxdiisa u geysteen ugu fiirsanayeen? Maxay Xamar intaas Xanuun ka uu xeydaabka dhalay ugu fiirsanayeen? Kama aha waddaniyad iyo dal wanaajin ee waxay ka tahay danaysi iyo beesheyda ha loo helo kursi aan anigu ku noolaado.

Haddaba,  markii kooxha isku dan balsa kala jeeda ay saacado  murnayeen kadib, ayaa Guddoonka baarlamanka uu la kulmay Guddi ka socday Xildhibaannada mooshinka keenay, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen in maanta laga doodda matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, isla markaana maalinta Sabtida cod loo qaado. U fiirso Mursal iyo NN waxay la iman doonaan xeelad kale oo laku kala fogaado maalinta sabtiga ah oo ay Jimacaha kaliya naga xigto haddii rabbi nagu simo.

Durbaba waxaa caawa casho loogu tuuray Xildhibaannadab ka soo jeeda Beelaha Hawiye si loo kala geddiyo oo ay NN ugu la daarato waxa soo bixi doona maalinta Sabtida gelinka horena loo codeeyo. Hubaal ma noqon doonaan wax qarankan muddada dheer u dan ah waxa ka soo bixi doona. Maya.

Arrintan matalaadda gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd afar xeer oo ka harsanaa sharciga doorashooyinka oo la soo dhameystiray, waxaana laba ka mid ah oo kala ahaa qoondada haweenka iyo doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi lagu ansixiyey mooshinno. Laakin aqalka Sare ayaa soo ka shifay in la been abuuray afarta xeerba oo ay NN sidey rabto u dhigatay,  waana Hal booli ah Nirig xalaal ah ma dhasho. Gudoomiye Mursal ayaa isagu noqday warqadaha afka la isaga tiro marka wax la cuno ee la iska tuuro (istiraasho). Waayo marnaba kama muuqato hogaan iyo dan  Qaran ee waa iikaalmee oo kaliya.

Dagaal iyo dood dheer kadib, Mursal ayaa aqbalay codsiga xildhibaanada, kadib markii uu arkay sida ay u tiro badan yihiin iyo inay arrintan ka go’an tahay. Tolow iyaga halkaas wax maka baran karaan oo beritto dalka ma badbaadin karaan, maadama ay maanta arkeen sida ay wax uga badali karaan danaha gurracan ee Villada iyo U adeegaheeda Mursal? La arki doonee.