Mursal iyo Lafta Gareen oo ku fashilmay soodeynta Shiikh Mukhtaar! Balantoodii iscasilaada ma oofin doonaan?

Reading Time: < 1 minute

Dhowr asbuuc ka hor marka Gudoomiye Mursal iyo Lafata Gareen la kulmeen shacabka reer Koonfur Galbeed waxa ay balan qaadeen in ay soo deynayaan Shiilkh Mukhtar Roobow hadii ay ku guul dareeynstaana soo dayntiisana ay iyagu is casili doonaan.

Habada labada shaqsi oo aan horay looga baran karaamo iyo dadnimo ay wax kuu diidaan ama ku ogolaadaan ayaa hadda albaabada ka soo xirmeeyn ka dib markii MW Farmaajo ku gacan seyran codsigoodii ahaa in Shiikh MUkhtar Roobow  si sharuud la’aan ah loo sii daayo.

Cabdicasiis Lafta Gareen oo la kulmay xildhibaano ka tirsan dowlada Fedaraalka ayaa u sheegay in ayan macquul ahayn in Mukhtaar Roobow la siidaayo ilamaa uu  sameeyo sharuudo uu ku xiray MW Farmaajo, shiikh Mukhtaar oo shaqsi leh qadiyad kuna adadan mabaadiisa  waa  uu ku gacan seeyray sharuudahaas lagu bahdilaayo isaga iyo shacabka reer Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Gudoomiye Mursal ayaa mudo dhowr cesho ah ka tuugayay Farmaajo in la siidaayo Mukhtaar Roobow laakiin codsigiisii waa lagu gacan seyray. Gudoomiye Mursal ayaa mar kale kaxeeysatay Wasiiro ka tirsan Dowladda Fedaraalka si ay culays ula saaraan MW Farmaajo ayagiina waa lagu soo diiday.

Su’aasha Malaaqyada  Koonfur Galbeed ay weydiinayaan Lafta Gareen iyo Mursal ayaa ah “Madaaba aad ku guuldaraysateen soodenta Mukhtaar Roobow ma fulin doontaan balantii aad qaadeen oo ahayd in ay iscasilaysaan hadii ay aad ku guul dareeystaan soo deynta Shiiklh Mukhtar Roboow?”.

 

 

.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!