Murrashaxnimada Xiddig oo shaki galisay ololaha Deni iyo Farmaajo?

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaaka Soomaaliya. Xiddig ayaa boggiisa Facebook ku faafiyay murrashaxnimadiisa. Warkan wuxuu lama-filaan ku noqon doonaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ah murrashax u tartamaya inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaaliya.

Madaxweyne Deni wuxuu ballanqaad ka haystay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo sheegay inuu ka hortagi doono in qof reer Jubaland ah u tartamo xilka Guddoomiyaha Aqalka Hoose (baarlamaaanka). “Xiddig waxaa wata Midowga Murrashixiinta oo aaminsan in Deni uga baxay ballantii ahayd inuu midkood dhisi doono si uu isagu u noqdso Ra’iisal Wasaare ama soo xulo qofka noqonaya” ayuu yiri gorfeeye siyaasadeed oo Muqdisho ku sugan. Wuxuu gorfeeyuhu intaas ku daray in murrashaxnimada Xiddig ay shaki ka dhex abuuri doono Deni iyo Axmed Madoobe.

La taliyayaasha Deni ayaa ka fekeraya sidii ay u dejin lahaayeen istaraatijiyad ka hortagaysa inuu Xiddig ku guuleyso kursiga Guddoomiyaha Aqalka Hoose. “Deni wuxuu farayaa xildhibannada uu soo saartay inay u codeeyaan qof kale. Taasi waxay yaraynaysaa fursadda uu Xiddig ku noqon karo Guddoomiye Barlamaan” ayuu gorfeeyuhu yiri.

Waa markii labaad oo uu Xiddig isu soo taago u tartanka kursida Guddoomiyaha Aqalka Sare. “Way suurtowdaa in murrashaxnimada Xiddig inay si ku melgaar ah iskugu soo soo dhoweyso Deni iyo Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Maxamuud Aadan, wariye ku sugan Kismaayo.

Dad badan ayaa u muuqda innan fududeysanaa fursada uu leeyahay Xildhibaan Xidig, laakiin  waxaan shaki ku jirin in ugu yaraan Xidig uu dhaawac weyn gaarsiin doono murrasharaxnimda Farmaajo iyo Deni oo ka soo jeeda beelaha Daarood.

Dhanka kale, dad badan waxa ay isweydiinayaa  in Axmad Madobe qayb ka ahaa xagaldaacinta ay Jubbaland ku sameeysay Deni?