Muran xoogan oo ka taagan maxkamada Racfaanka ee Gobolka Hiiraan!

Reading Time: < 1 minute

Muran ayaa ka taagan xil wareejinta gudoomiyaha maxkamadda racfaanka goblka hiiraan kadib markii sadax todobaad ka hor xilka la qaaday gudoomiyahii hore maxkamadda racfaanka goblka hiiraan waxaa wali taagan wareejinta xilka sababo la xiriro inu jiro dhaqaalo daro ay ka cabnyaan masuuliynta xilka laga qaaday.

Sido kala tan iyo xalay waxaa socoday kulmo lagu doonyay in lagu xaliyo muranka taagan hayeeshee masuuliyntii hore ee maxkamadda ayaa sheegay in ay mudo helin wax xaquuqaad ah sidaas darteen ay wali suurgal u ehyeen in ay xilka wareejiyaan.

Madaxweynaha hirshablle maxamed cabdi waare iyo wasirkiiso arimaha cadaalada ayaa baladweyne joogay dhowrkii habeen ee la soo dhaafay walin ma jiro wax xil wareejin ah oo dhacaday.

Warar hoose ayaa sheegayo inu jiro dadaalo lagu qancinyo masuuliynta maxkamadda ee horay xilka looga qaaday .

Bartamahii bishii hore ayuu xilka ka qaaday madaxweyne waare dhamaan masuliyanta maxkamada goblka hiiraan waxaana wareegtaas ka soo baxaday lagu shegay sido kale in lagu magacaabay dhamaan masuuliynta maxkamadaha magaalooyinka baladweyne maxaas buulo burte farlibaax moqokori buqaqable .

Hayeeshee dhamaan inta masuul ee la magacaabay ma jiro wali masul xilka al wareegay waxaana meelaha qar ee gudoomiyaasha maxkamadaha loo magaacabay jooga ama ka taliyabo ururka al shabaab .

Hal maalin kadib markii ay soo baxady wareegta magacaabista waxaa xilka loo magaacabay iska casliya masuul ka mid ah kuwa loo magacaabay farlibaax

Masuulkaasa ayaa sheegay inu yahay quf reer baadiyo ah islamarkaana an wax wad tashi ah laga sameeyanin magacaabista sidaasana u isku casliya .

inta badan degaanada hirshablle waxaa dhibaato ay ka jirtaa laamaha cadaalada taaso keentay in dadka degaanda maamulka garsoor ka wayo ay u garsoor doontaan degaanda al shabaab ay maamulan .