Muran Xoogan Oo Ka DHex Taagan Maamulka Degmada Jalalaqsi

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xilligaan is qabqabsi xoogan uu ka taagan yahay maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo dhawaan isbedel dhinaca Maamulka ah lagu sameeyey.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Degmada Jalalaqsi Xuseen Sheekh Aadan ayaa sheegay in Hoygiisa ay ku soo weerareen rag la sheegay in loo soo Magacaabay degmada Jalalaqsi.

Waxa uu sheegay in laba Nin oo hubeysan ay hoygiisa ugu yimideen,iyaga oo u sheegay in uu xilka ku wareejo,isla markaana ay jir dileen sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba weli wax jawaab ah dhankooda kama bixin mas’uuliyiinta uu eedeynta u jeediyay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Degmada Jalalaqsi.