Muran ka dhashay Cidii MW ku meelgaar ah ka noqon lahayd Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Madaama Xasan Kheyre uu kala diray hogaanka Galmudug, gaar ahaan garabkii uu Madaxweynaha ka ahaa Axmad Ducaale Xaaf, waxaa muran ka dhashay cida lagala xaajoonayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sadaxdii ascuub ee u danbeeysay waxa kusimaha Madaxweynaha  Galmudug ahaa Xassan Kheyre madaama uu hadda qorsheynayo in uu ka soo taga Galmudug waxaa muran ka dhashay yaa hogaaminaya maamulka ku kooban Dhuusamareeb.

Hadii Shiikh Shaakir lagu sheego kusimaha Madaxweynaha Galmudug waxa ay ka sii xanaajinaysaa kooxihii marka horaba diidaanaa hogaanka kooxda Sufa, gaar ahaan madaxweyne ku xigeenki hore Maxamed Carabeey iyo Gudoomiyihii Cali Casir iyo xildhibaanadiid horay loo  sheegay in xilka la qaaday.

Dhanka kale hadii loo dhiibi lahaa madaxweynhii ku xigeenka labaad ee ku dhawaa Xaaf waxa isagana diidaya qolooyinkii Xaaf ka soo horjeeday. Arintaan waxa ay keentay in Maamulka Galmudug uu noqdo mid u qaybsamo afar qaybood; 1) Garabka Gaalkacyo, 2) Garababka Al Sunna  Wajameeca, 3) Garabta Xasan Kheyre iyo 4) Garabka Cadaado.

Hadaba Xasan Kheyre oo isaga burburiyay Galmudug ayaa waxa uu doonayaa in kusimaha Madaxwaynaha Galmudug u magacabo Wasiir Sabriye halka Shiikh Shakir uu iska sii haysan doono magaca madaxa dowalada. Arintaan ayaa waxa ay keeni doontaa in beelaha Direed, Marexaan iyo Habargedir oo horayba ka soo horjeeday maamulka kooxda Al Sunna ay ka sii fogaadaan imaantinka Degaanka Dhuusamareeb.

Waxa laga sugayaa Xasan Kheyre in uu iclaamiyo cida lagala xaajoonayo magaca Galmudug inta uusan ka soo dhaqaaqin Magaalada Dhuusameeb?