Wararka aan ka helayno Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in wadaadka dhawaan ka yimid Shabaab ee Muqtaar Roobow Abuu Mansuur xubno la shaqeeya handadaad ay ku bilaabeen Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.
Roobow iyo xubnaha la shaqeeya ayaa waxa ay degan yihiin Hotelka Horyaal ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka wadaan olalaha Musharaxnimada Muqtaar Roobow oo ku lamaanan qaab handadaad ah.
Saraakiil la shaqeysa Roobow ayaa taleefoon kula xiriiray qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqabnka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ay ka dalbadeen inay taageero qasab ah siiyaan Muqtaar Roobow.
Nin lagu magacaabo Maxamed Cali Nuur oo ka mid ah ragga la shaqeeya Muqtaar Roobow oo qaabilsan handadaada taleefoonada iyo cabsi gelinta dadka ka aragtida duwan Roobow, ayaa la xiriiray dhawr odayaal dhaqameed oo ku sugan Magaalada Baydhabo.
Musharax Roobow ayaa la sheegayaa rajada uu ka qabo Doorashada Koonfur Galbeed inay tahay mid aad u liidato, kadib markii uu waayay taageerada Shacabka Koonfur Galbeed, isaga oo Hotelka uu degan yahay kula kulmay Odayaal qaraabo dhaw ay yihiin.
Hanaanka ololaha Musharax Roobow ayaa u muuqda mid fashil ah, maadaama ay jiraan xubno la shaqeeya isaga oo u arka in qaab handadaad ah uu taageero ku heli karo wadaadka, taasi oo sii luminaysa kalsoonida Shacabka ay ku qabaan Muqtaar Roobow.
Roobow oo soo noqday Hoggaamiye Ku xigeenkii hore ee Shabaab ayaa iminka doonaya inuu u tartamo xilka Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed.