Muqtaar Rooboow’’Arin siyaasadeeysan waaye Warka Wasaarada,waana laga xaajoonayaa’Kalsooni ayaan qabaa ah inaan Cod-wanaagsan helaayo’’

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Amniga Gudaha Dwlada Federaalka ah Ee Soomaaliya war qoraal ah oo ay soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in uusan Muqtaar Rooboow ka qeeyb geli karin Doorashada ka dhaceeyso deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,arinkaasina waxaa uu caqabad ku noqday Ololahiisa,

Sida ay Wararka ku heleeyso MUQDISHO ONLINE Khiikh Muqtaar Roobow ayaa la kulmaya siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhaba, oo uu kala hadlayo musharaxnimadiisa iyo sida ay taageero u siin lahaayeen,asigoo markaasi u sheegaya warka wasaarada in uusan aheeyn mid macquul ah

Qaar ka mid ah Shaqsiyaadkii ka qeyb-galay  Kulan Rooboow Iyo waxgaradka ayaa waxaa ay sheegeen in uu soo hadal-qaaday hadalka Dowlada dhexe Asigoo Yiri’’arintaan waa mid siyaasadeeynsan waxaana ogahay shaqsiyaad ka dambeeyo,waxaan ahay musharax codka ayaana ku qancayaa’’ Rooboow’’Arin siyaasadeeysan waaye Warka Wasaarada,waana laga xaajoonayaa’Kalsooni ayaan qabaa ah inaan Cod-wanaagsan helaayo’’

Ilo Wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in ay sidoo kale Socdaan waan-waan hoosaad lagu xalinaayo arinkaan oo ka dhaxeeya Dowladda federaalka Soomaaliya Iyo Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota.

Ku dhawaaqista Muqtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur  ee ah in uu yahay musharax ayaa waxaa ay baqdin badan ku abuurtay siyaasiin u taagan qabashada Xilkaasi,waxaana la aaminsan yahay in uu gacan ka helaayo masuuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaaliya