Muqtaar Rooboow oo Warkii Wasaarada Amniga kasoo Qaaday Waxba kama Jiraan Iyo Olole Dar-dar leh oo uu Bilaabay!!

Reading Time: < 1 minute

Shiikh Muqtaar Rooboow Cali Abuu-mansuur oo mar soo noqday Hogaamiye Ku Xigeenkii Kooxda Al-shabaab Hadana ah Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxtinimo Ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagusoo waramayaa in uu Xaflad Jawaab u ah Hadalkii Dowlada dhexe ku qabsanaayo Magaalada Baydhaba.

Sida aan Wararka Ku Heleeyno Munaasabadda ka socota Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana taageero loogu muujinayaa Mukhtaar Roobow.

Abuu-mansuur  ayaa ka mid ahaa aas aasayaasha Al-Shabaab, waxaa uu soo noqday Afhayeenka Kooxda iyo Hoggaamiye kuxigeenka, hase ahaatee sanado ka hor isaga soo baxay, isagoo wada hadalo la furay dowladda,ka dibna Muqdisho lagusoo dhaweeyay.

MUQDISHO ONLINE oo la xariirtay qaar ka mid ah Qaban-qaabiyayaasha Xafladaasi ayaa waxaa ay u sheegeen in uusan dheg-jalaq usiin doonin Warka kasoo baxay Wasaarada Amniga Gudaha,taasi oo ay sheegeen in Arimo siyaasadeed ay gadaal ka riixayaan.

Dowlada Mareykanka ayaa ka qaaday lacagtii la dul-dhigay madaxiisa ee gaareysay 5-milyan,balse Dowlada Soomaaliya ayaa wali ku andacooneeysa in uusan buuxin sharuudahii looga baahnaa sidaasna uusan ku tartami karin.

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Asiga taageersan lana hadlay Warbaahinta waxaa ay sheegeen in Warka Wasaarada Amniga kasoo baxay uu yahay’’SHIMBIRAYAW HEESA’’