Muqtaar Rooboow oo shaaciyay 3-Garab oo Wadada Xariirisa Af-gooye Iyo Baydhabo u Xiran tahay,Asigoo Al-shabaab Markii Ugu Horeeysay ku Tilmaamay Khawaariij  (SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Sida aan Wararkeeynii Hore Idinkugu soo Dabaac-nayba Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Lagu qabtay Xaflad lagu shaacinaayay Musharaxnimada Shiikh Muqtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur kaasi oo hada u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo Ee Mamaulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Muqtaar Rooboow Cali ayaa jeediyay Khudbad Dhinacyo Badan Taabaneeysa oo uu uga hadlay Hadii la doorto waxyaabaha uu qaban-doono asigoo sheegay in uu xooga saaraayo Nabad-gelyada Deegaanada Maamulkaasi

Waxaa uu xildhibaanada Baarlmaanka Maamulka Koonfur Galbeed ka Codsaday in ay Codka siiyaan waxaana Goobta joogay qaar ka mid ah oo la safnaa musharaxa,sidoo kale Jidadka Xiran ayuu ka hadlay

Si cad ayuu u sheegay in Sedax dhinac Wadadaasi u xiran kuwaasi oo uu sheegay in uu cagta Marin doono hadii la doorto waxaana ay kala Yihiin.

1)  Xarakada Al-Shabaab oo uu markii ugu horeysay u adeegsaday inay yihiin Khawaarij

2) Ciidamo u abaabulan hab beeled.

3)Sidoo kale wuxuu qolada seddexaad ku sheegay inay yihiin kuwa xiran dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhibaato ku hayo jidkaas.

Shiikh Muqtaar Rooboow waxaa uu  Sheegay in haddii loo doorto inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isku furi doono jidka u dhaxeeyo Afgooye iyo Baydhabo,halkaasi oo ay shacabku dhib-weeyn ku qabaan,waxaana uu Yiri’’Waxaan ku celinayaa maanta inaan musharax u ahay madaxtinimada Konfur Galbeed waxaan Ka shaqeyn doonaa saddex qolo oo Wadooyinka ay u xiranyihiin hadii aad i doorataan “Alshabaab iyo Qabaa’ilada Wadooyinka KG xirtay wa idinka hor wareejinayaa ‘’

Doorashadda Shiikh Muqtaar waxaa ku dhegan Dowlada Federaalka ah ee soomaaliya waxaana la ogeeyn xaalka sida uu ku dambeeyn doono

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!