Muqtaar Rooboow oo Shaacinaayo in uu yahay Musharax u Taagan qabashada xilka Madaxweyne Ee Maamulka K/Galbeed (Natiijo Ceeynkee ah ayuu Fili Karaa)

Reading Time: < 1 minute

Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii Kooxda Al-shabaab Sanadkii hore Ee 2017-na isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu hadda shaacinayaa in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweeyne Ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku heleeyno dhawaan ayuu xaflad balaaran ku qaban doonaa Magaalada Muqdisho taasi oo uu ku shaacin doono musharaxnimadiisa,waxaana uu garab ka helayaa xildhibaano ay isku beel yihiin kuwaasi oo kursigga la doonaya.

Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Shariif Xassan sheikh aadan ayaa arrinkaan walaac ka muujinaayo Maadaama beesha uu kasoo jeedo Ee Leesaan  ay Xildhibaano badan ku leedahay Baarlamaanka Maamulka K/galbeed islamarkaana ay suuragal tahay in ay dhankiisa codka siiyaan.

Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur Ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay shaqsi firfir-coon oo mar walbo jecel in uu kasoo muuqdo halka uu joogo,waxaana uu aad u yaqaanaa qidada loola dagaalamo Al-shabaab taas ayaana suuragal ah in Shariif Xassan sheikh aadan iyo Musharaxiinta kalaba looga guuleeysto,sidoo kale musharaxiin badan oo ku beel ah ayaa kursigaan u tartameeysa