Muqtaar Rooboow oo ka digay in Doorashada K/Galbeed dib loo dhigo!!

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo walaac laga muujinaayo Dib u dhac ku yimaada Dorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax u taagan qabasahda xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Maanta Magaalada baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulkaasi kulan kula qaatay qaar kamid ah xildhibaanada koonfur galbeed.

Muqtaar Roobow oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Guddiga doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed oo aan la magacaabin weli,iyadoo dhawaan la filayo in doorasho ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale qaar kamid ah xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dib u dhinaca ku yimid Magacaabista Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku dhaliilayaan Madaxa Koonfur galbeed oo ay sheegeen inuu ka meer meerayo magacaabida gudigaas.

Waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay ku tartamayaan musharixiin badan oo uu kamid ah Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.