Iyadoo dhawaab ay wareegto ka soo baxday Wasaaradda Amniga Soomaaliya lagu sheegay in Muqtaar rooboow looga joojinayay u tartamida Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa weli waxa uu Baydhabo ka wadaa ololihiisa doorashada
Maanta ayuu Magalada Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Magalada Baydhabo,iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa loo diray farriin ku saabsan ololaha doorasho ee Muqtaar Roobow iyo inuu qaban doono Xaflad uu ku shaacinayo musharaxnimadiisa.
Ilaa iyo hada lama oga tallabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya hadii Muqtaar roobow uu ku adkeyso inuu u tartami doono Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.