Muqtaar Maxamed Cali Oo Si Kulul Dowladda Soomaaliya Ugu Dhaliilay Wax Ka Qabad La’aanta Qaraxii Soobe.

Reading Time: < 1 minute

iyaadoo maalin qura ay naga xigto dhacdadii murugada laheed ee isgooyska soobe ka dhacday 14 octoobar sanadkii tagay ee 2017 ayaa waxaa isi sootaray dhaleeceeynta loo jeydinayo dowladda soomaaliya ee ku aadan wax ka qabasho la’aanta raggii ka danbeeyay falkii dhaxdinta lahaa ee saameeynta ku yeeshay 1890 qof
siyaasi muqtaar maxamed cali ayaa sheegay in dowladda soomaaliya aysan weli wax muuqda aysan ka qaban qaraxii soobe wuxuuna ka dalbaday madaxda sare ee dalka iney cadeeyaan falcelintii ay ka bixiyeen qaxarii saameeyntii ku yeeshay shacabka soomaaliyeed.
dowladda soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxii soobe ay ka danbeeyeen xarakada al shabab walow al shabaab aysan sheegan qaraxii jabiyay niyada muwaadiniinta soomaaliyeed ee u hanqaltaagayey 27sano kadib iney helaan nabad waarta.
siyaasi muqtaar ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay xukun ku riday 6 ruux oo la sheegay iney ka danbeeyeen qaraxii soobe balse ilaa iyo haatan aanan la ogeen sida loo fuliyay xukunka lagu riday eedeysanyaasha.
sikastaba ha ahaatee hadalka siyaaasi muqtaar maxamed cali ayaa kusoo beegmaya xilli maalinta berita ah ay xusuus qaran loosameyn dooono dadkii lagu xasuuqay qaraxii 14 octoobar 2017