Muqdisho  Waxaa Caawa Hardan Iyo Kala jiidasho loogu jiraa Wasaaradaha Muhiimka ah.

Reading Time: 2 minutes

Maadaama maanta la ansixiyey RW 21aad ee dalka Mudane RW Xamaza Cabdi Barre waxaa loo hawlgalayaa soo dhisidda golaha wasiirada dalka, taas oo dhameystireysa geeddisocod dheer oo loo soo galay dowlad dhiska dalka.

Mumidda wasaaradaha waxaa saldhig u ah laba arrimood kuwaas oo kala ah:

1- Miisaaniyada iyo mashaariicda ay wasaaraddaas maamusho.

2- Awooddaha muuqda oo ay ku leedahay hawlaha lexaadka leh ee qaranka.

Haddaba annagoo intaan maanka hayna ayaa waxaa isla eegi doonnaa wasaaradaha durbaba uu u tartankodu Xamar si aad ah uga socdo caawa.

Wasaaradaha ee A-da loo yaqaanno waxay beelaha iyo shakhsiyaad badani xusulduubugu jiraan inay helaan.

Qiimeynta wasaarad inay A noqotana waa laba sababood ee aan kor ku soo xusnay.Wasaaradaha dagaalka adag loogu jiro ee hadda sida aadka ah la isugu garbinayo waxaa ka mid ah:

Wasaaradaha:

  1. Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda.
  2. Gaashaandhigga iyo Amniga.
  3. Caddaaladda iyo Waxbarashada.
  4. Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka.
  5. Duulista iyo gaadiidka Cirka iyo Boostada iyo Isgaarsiinta.
  6. Beeraha iyo Kalluumeysiga iyo Xannaanda Xoolaha.

Wasaaradahan dhammaantood waxay leeyihiin mashaariic iyo miisaaniyado aad u badan qaarkood ishu xataa ma qabato oo waxaa loo arkaa inaysan lahayn awood dhaqaale iyo mid maamul, aaliikn waxay umadda ku leeyihiin saaameyn aad u weyn. Wasaaradda Waxbarashada waa tan ugu saameynta badan wasaaradaha dalka, dhinaca dhaqalaha waxaa iyagana  kala dhicin Duulista iyo Gaadiidka Cirka iyo Boostada iyo Isgaarsiinta, sidoo kale Beeraha, Kaalllumeysiga, Xoolaha, Amniga gudaha iyo Qorsheynta  Qaranka. Wasaaradahan waxay leeyihiin mashaariic kala duwan.

Isku soo duub waxaa xusul duub loogu jiraaa 10kan wasaaradood oo ay cid waliba rabtaa inay hogaanka u qabato, si ay u yeelato saameyn weyn.

RW Xamza iyo MW Xasan sheekh waxaa u taalla hawl weyn waxaana ka rajeyneynaa xataa haddii golaha wasiirada lagu qeybiyo 4.5 ama beelo in beelaha laga soo xusho dad wanaagsan oo shaqo qaban kara, leh aqoon maamul iyo mid maareyn, leh awood hogaamineed iyo dad isku wad Rabbi looga cabsado.

Reerka Risaq waa ku jiraa ee rag ka soo baxshey rabtaa! Dalka dad wanaagsan oo lala shaqeynn karo waa ku jiraan ee Rag ka soo baxshey rabtaa.