Cabsi ayaa ka taagan goobaha Bulshada isugu yimaadaan ee Magaalada Muqdisho, kadib markii dadka dareen cabsi leh ay ka muujiyeen qaraxyada gaadiidka iyo midka Ismiidaaminta ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Dareenka Cabsida leh ee Bulshada reer Muqdisho ku jiray, wuxuu sii kordhay markii Al Shabaab ay beegsadeen maalmo gudahooda, Magaalooyinka Baydhabo, Baledweyne iyo Baled Xaawo, iyadoo Isniintii Qarax Ismiidaamin uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Marka laga reebo weerarka Baled Xaawo ka dhacay saddexda qarax ee kale ee Ismiidaaminta ahaa waxaa lala eegtay goobo ay joogeen dad rayid ah, gaar ahaan goobo maqaayado ah oo dadka ay isugu yimaadaan Shaahana laga cabo.
Muqdisho ayaa hadda ka fogaanaya goobaha Maqaayadaha ee ku yaalo laamiga hareerihiisa, maadaama ay fudud dahay halkaasi in la soo dhigo gaadiid qaraxyo ay ka buuxaan, kadibna lagu qarxiyo.
Qof ka mid ah dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay joojiyeen isaga iyo Koox dhalinyaro ah tagista goobaha Maqaayadaha ee ku yaalo laamiga Maka Al-Mukarama.
Hay’addaha ammaanka Dowladda oo ku guda jira arrimaha la xiriira suggida ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa gaadiidka waxa ay ku baaraan wadooyinka iyo Koontaroolada Magaalada gudaheeda ah, haddana waxaa dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka.