Shacabka muqdisho ayaa sakay kusoo toosay Ciidamadda amaanka dowladda oo gabi ahaanba xiray wadooyinka qaar ee magaalada, kuwaa oo u diidayay gaadiidka iney maraan Isgoysyada sido kale waxaa ganacsatada ay maalayeen cagtooda kuwaa oo aadayay goobahooda ganacsi maadaama aynan jirin gadiidka PL-ka loo yaqaan oo ka shaqeynaya wadooyinka muhiimka ee magaalada muqdisho.
Isgoosyada Saaka xiran ayaa waxaa kamid ah sida Isgooyska Sanca, Siinaay, Darjiinka iyo Xeraryaale iyo Tarbuunka oo kamid ah wadooyinka ugu isticmaalka badan magaalada Muqdisho.
Isgoysyadaan waxaa lagu arkayaa ciidamadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed, iyo kuwa Booliska oo shacabka iyo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas.
Inkasto ay caado ka noqotay xirnanshiyaha wadoyinka caasimada si walbaba saakay cabsi xoogan aya jirta oo dadku aya siyaabo kala duwan isku dhaafsanaya sababta ka danbeysa xirnaanshiyaha.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka danbeysa xiritaanka wadooyinkaasi, inkasto muqdish ay caado ka noqotay xirista wadooyinka, wararka qaar ayaa sheegaya iney ka danbeyso xiritaanka wadooyinkaas, sababa amni oo laga cabsi qabo in weeraro qaraxyo ah lagu soo qaado magaalada muqdisho.
Dhawan aya waxa so baxay digniino ku adan in gawaari qaraxyo ay ku xiran yihin muqdisho ay ku jiraan.