Magaalada Muqdisho waxaa lagu aasay labo Xildhibaan oo ka kala tirsan Maamullada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle kuwaas oo shalay lagu dilay Waddada isku xirta Wanllaweyn iyo Afgooye.
Dadka dhintay waxaa ay gaarayeen 4 Qof,labada XIldhibaan oo uu midi ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Koofur Galbeed,sidoo kalena ahaa xildhibaan iyo Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle iyo labo qof oo ilaaladooda ahaa.
Aaska Afarta qof ayaa ka dhacay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo ay uga qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka kana qeybgalay aaska maanta loo sameeyay mas’uuliyiintaas ayaa sheegay in Dadkaasi ay geeriyoodeen iyaga oo dalkooda nabadgelyadiisa ka dhaqeynaya.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay xubnahaasi ka kala tirsanaa Maamullada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.