Muqdisho oo lagu qabtay shir sanadeedka xiriirka soomaaliyeed ee baaskiilada

Reading Time: 2 minutes

Magalada  Muqdisho ayaa lagu qabtay shir sanadeedka xiriirka soomaaliyeed ee baaskiilada waxaana shirkaasi kasoo qeyb galay kooxaha ku mideesan xiriirka & Gudoonka kooxda.

Gudoomiyaha Xiriirka baaskilada Soomaaliyeed Mudane Axmed Maxamed Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sanadkaan 2021 ay wax badan kusoo kordhin doonan tayada ciyaartooyda isla markaasna ay xoojin doonaan iskaashiga ka dhaxeeyo maamulka & naadiyada.

Gudoomiye Axmed Maxamed ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay laga maarmaanka u tahay in la tayeeyo xirfada ciyaartooyda & naadiyada si sare loogu qaado laguna guuleesto ineey guulo kasoo hooyaan fagaarayaasha caalamka.

Inta uu socday shir sanadeedka xiriirka baaskiilada soomaaliyeed waxaa lagu soo bandhigay wixii caqabado ee heesta xiriirka , iyo sidii losixi lahaa .