Muqdisho oo lagu dilay Nabadoon Xuseen Mohamed Daauud

Reading Time: < 1 minute

Rag hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ay xaafada Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileen Nabadoon Caanka ahaa Degmadaasi iyo mid kamid ah ilaaladiisa,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta maxaliga  u sheegay in Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo Mahad Maxamud Cadow (Mahad Uunsow) oo kamid ahaa ilaaladiisa la dilay xilli ay fadhiyeen Maqaaxi laga Cabo Shaaha oo ku taalla Suuqa Caanaha Agagaarka Masaajidka Xaaji Cabdi Indhooy ee Xaafada Suuq Bacaad.

Dilka kadib Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta dilka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir weli wax faah faahin ah kama bixin dilka Maanta ka dhacay Xaafada kamid ah degmadaas,waxaana weli jirin cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas.