Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho aya shegaya in qeybo badan oo ka mid magaalada laga amar qaato Kooxda Al Shabaab oo degmooyinka qaar awaamiir kuso roga.
Kooxda al Shabaab aya wararku ay shegayan in ay joojisay ciyaarista kubada cagta garoomada la kireeysto ee SALAXA loo yaqaan.
Garoomadan oo si aad ah ugu soo badanayay Degmoyinka Gobolka Banaadir aya aha kuwosi aad ah ee u isticmaalayeen dhalinyarada ku dhaqan magaalada iyado Garomadan SALAXA loyaqano Lgu fidiyo Roog Macmal ah waxana waxa sida aadka ah dhalinyarada usoo jiitay.
Amarka Al-Shabaab ayaa saameeyay wax ka badan ilaa 20 Garoon oo Fuustal ama Salax ah kuwaas oo ku yaala Yaaqshiid, Kaaraan iyo degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.
Garoomada la xiray mid ka mid ah aya la shegay in uu leeyahay Mas’uul ka tirsan degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir gaar ahaan xubnaha dhinaca Sports-ka ee degmadaasi.
Dhinaca Kale Xaafado ka mid ah degmada deyniile ee gobalka Banaadir ayaa laga mamnuucay Leerarka ama nalalka lagu dhajiyo banaanka Guryaha iyo waddooyinka mara xaafada ka mid ah degmadaasi iyado Dowladda Soomaaliya aysan xil weyn iska saarin amaanka Guud magaalada Muqdisho.
Bilowgi todobaadkan waxa isgooyska Ex koontarool lagu dilay mid ka mid dhalinyarada sida weyn loga garaayay kana mid aha dhalinyarada degmada hilwa abaabulka kubada cagta ugu fiicna iyado dilkisa al shabaab ay shegten.
Dowladda ayaa la sheegay in ay kaliya xooga saarto amaanka xaafado gaar ah oo ay dagan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda iyo goobaha ay ka agdhaw-yihiin Xarumaha Hayadaha Dowladda iyo Saldhigyada Ciidamada Soomaaliya kuwaas oo ku yaala degmooyin Kooban.