Muqdisho oo Isu Badashay Togag Biyo Fadhiisid Ah Iyo Eng Yariisow oo u Muuqda Mid Hurda

Reading Time: < 1 minute

Waxa dhibaato xoogan ay ka taagan tahay Muqdisho waxana jidadka muhiimka ah ay ee Magaalda Muqdisho lagu arkaya Biyo fadhiisidyo waa weyn oo jidadka qaar ee Caasimada gooyay.

Roobkii ka da`ay magaalada Muqdisho ayaana saameyn weyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Roobka ayaa biyo dhigeyn ka sameeyay waddooyin dhowr ah oo soo gala Garoonka, waxaa ka mid ah waddooyinka biye fadhiisinka noqday wadada ka baxda KM4 ee aada Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wadadaas oo ay maanta ay isticmaali Karin Gaadiidka yar yar, biyo buux dhaafiyay wadada aawgeed balse wadada waxaa mari kara oo isticmaali kara kaliye Gaadiidka waa weyn ee xamuulka qaada iyo kuwa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Mararka ay da`aan Roobabka mahiigaanka ah ayaa waxaa xirma qaar ka mid ah wadooyinka mara magaalada muqdisho.